Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe.[Masawiro]

June 22, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay socdaal ay ku tegeen Garoowe iyo kulamo kala duwan oo ay la qaateen masuuliyiinta kala duwan ee Puntland iyagoona ka wada hadalay qaabka ugu habeen  oo dowladdaha xubnaha ka dowladda Federaalka looga qayb gelin lahaa wada tashi guud oo ku saabsan qorshaha 5-ta sano  ee soo socota iyo weliba qaabta loo hirgelin karo hanaanka ku dhisan Xibiyadda badan.

 

WARMURTIYEED KU SAABSAN SAFARKII GUDDIGA DOORASHOOYINKA HEER QARAN AY KU TAGEEN PUNTLAND

Muddada Safarka: June 20th to 24th, 2017

UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayoDawlad Goboleedyada Soomaaliyeed. Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyoDawlad Goboleedyada.

Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland.

SOO DHAWAYNTA IYO LA SHAQAYNTA GUDDIGA

Waxaa Guddiga soo dhawayn iyo sidii lagula shaqayn lahaa la sameeyey Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka. Madaxdan waxay kala shaqeeyeen Guddiga fulinta qorshe hawleedka sare ku xusan ee Guddiga iyo hagidda iyo isku xirka dhammaan waaxaha iyo hay’adaha dawladda iyo Guddiga.

LA KULANKII MADAXWAYNAHA PUNTLAND

Guddigu waxaa uu kulan heer sare ah la qaatay Madaxwaynaha Puntland oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland, waxaa Guddiga ka qayb galay Guddoomiyaha, Ku xigeenka iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Guddiga xarunta Madaxtooyadda Puntland. Soo dhoweynta kadib wuxuu Mudane Cabdiweli ka dhegeystey warbixin tifatiran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana ugu muhiimsanaa:

Wixii u qabsoomey Guddiga mudadii uu jirey Caqabadaha horyaala doorashada 2020 iyo sida looga gudbi karo iyo Sida ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhex marta Dowla goboleedka Puntland iyo Guddiga

Warbixinta kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland si diiran uu u soo dhoweeyey warbixinta Guddiga iyo howsha adagee ay u dhabar adeegen, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Guddiga. Waxaa kale uu Mudane Cabdiweli Guddiga ku boorriyay in u dhaqmaan una shaqeeyaan inay yihiin Guddi Soomaali oo dhan matala. Sidoo kale in ay la yimaadaan hufnaan iyo wada shaqayn hufan. Gaar ahaan hay`adaha ay shaqada kala dhexeyso.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu meesha ka saarey in xisbiyada Siyaasadeed ee abuurmaya aysan ku koobnaan hal deegaan oo kaliya. Wuxuu ku dhiirra geliyey Guddiga in ay la wadaagaan Wasaaraddaha iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland aqoonta iyo hay`adaha kale ee shaqada la leh wixii dhaqaale ah ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka.

Waxa Madaxwaynaha Puntland muujiyay in ay tahay waajib in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ku dhisan qof iyo cod. Wuxuu ku boorriyay dawladda dhexe in aay wax kasta ka hormariyaan xooggana saaraansidiidalka looga xoreeyn lahaa si loo helo afti iyo codayn loo qaado dastuurka. Dhanka kale waxaa Cabdiweli Gaas uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in Puntland laga qabanayo doorashooyin iyadoo dhawaan la billaabayo u diyaar garowgeedii.

Guddigu wuxuu gacanta u geliyay Madaxwaynaha Puntland Dokumentiyo ay kamid yihiin Qorshaha Howleedka shanta sano ee Guddiga, Dokumeentiga diwangalinta Xisbiyada, warbixinnadii afarbilood laha ahaa ee sannadkii hore iyo document-ga dhismaha xarunta weyn ee loo dhisaayo Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga oo ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u faah faahisay sida ay Guddigu ugu diyaar yihiin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah 2020 haddii Eebbe idmo.

 

——DHAMAAD——-

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online