Hay’adda HARO oo magaalada Garoowe Iyo Dangoroyo ku ciidsiisay ilaa 150 Agoon ah.[Masawiro]

June 27, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa Masjidka weyn ee Al-huda ka dhacay gudoonsiin lacag la guddoon siiyay carruurta agoonta ah ee ku sugan magaalada Garowe , barnaamijkan ayaa waxaa la qabtaa , labada cidood ee Fidriga iyo Adxaa waxaana fulisay Hay’ada Haro Xafiiskeeda Puntland . Xafladda lagu gudoonsiinayay lacagata carruurta ayaa waxa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Degmooyinka Garoowe iyo Dangoroyo/ Wakiilka Hay’adda Haro Puntland iyo marti sharaf kale. 30 kamid ah agoontaan waxaa lagaarsiiyay Agoonta Kunool Degmada Dangoroyo oo katirsan Gobolka nugaa Waxaana soo Fuliyay Sh Maxamed Xamari iyo Wafti uu hogaaminayo.

Waxaa ugu horeyn munaasabadda ka hadlay Sheekh Yaasiin Cabdullaahi ,isagoona u mahad celiyay ururka samafalka HARO,iyadoo uu u duceeyay cid alaala cidii gacanta ka geysatay inuu ilaah ugu bedelo wax ay ku farxaan,maadaama carrurta agoonta ah laga farxiyay maanta,islamarkaana aysan heysan wax ay ku ciidaan maalinta ciidda. Intaas kadib Sheekh Yaasiin ayaa ka warbixiyay marxlada ay soo martay howshaan caruurta lagu gudoonsinayay lacagta ciida, iyadoo uu sheegay in howshaan ay ahayd mid uu horay u soo waday Marxuum Sheikh C/qaadir Nuur Faarax waxaana howshaan haatan wada Jimciyadda,iyadoo taageero ka helaysa Ururka samafalka ee HARO.


Hay’adda HARO

Garoowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online