Khudbada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi uu ka jeediyey Kal-fadhiga 39aad.[Masawiro]

June 16, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Dawaladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa khubad muhiima ka jeediyey malinimadii shalay Kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland Nuxurka khubada Guddomiyaha ayaa salku haysey waxqabadka dhabta ah ee Golaha Wakiila Dawladda Puntland u qabsoomay mudadii u dhexxeysey labada kalfadhi ee 38aad iyo  39aad. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay qodobo mihiima oo uu Dawladda Fadaraalka Soomaliya usoo jeediyeey mudadaasi, kuwaasi oo ku salaysan arrimaha sharci dejinta dastuurka, lashashiyada dawladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Ka akhriso halkan Khudbada Guddomiyha oo dhamaystiran

‘’ Mudane Madaxweyne, Mudanayaal.

Kalafdhigan 39-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxu ka mid yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ay gutaan Golaha Wakiiladu, waxana diirada lagu saari doonaa shaqooyinka Qaanuuniga ah ee Goluhu u dhisan yahay kuwaas oo ay ugu mudan yihiin xaaladda arnniga dalka, Xeer-dejinta, laxisaabtanka hay’adaha Dawladda iyo gudashada waajibaadka metelaada shacabka, kuwaas oo dhammaantood ku cad ajandaha kalfadhigan 39-aad.

Muddadii labada kalfadhi u dhexaysey Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee golaha iyagoo si ku meel gaar ah u sii meelmariyey xeerar laf-dhabar u ah dalka, kuwaas oo kalfadhigan Golaha la soo hordhigi doono sida ku cad xeer-hoosaadka golaha, guddiyada kalena waxay ku hawlanaayeen u kuur-galka xaaladda dalka iyagoo ka hawlgelayey gobolada oo dhan, warbixinahoodana waxay ka soojeedin doonaan kalfadhigan haddii EEBBE idmo.

Waxa xusid mudan, Alla ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Clqaadir Faarax Bootaan, oo isagoo gudanaya waajibaadkiisii shaqo muddadii labada kalfadhi u dhexaysey qarax lagula beegsaday magaalada gaalkacayo. Waxa la fuliyey shaqadii dib u habaynta iyo casriyeynta Fadhiga Hoolka Golaha, taas oo dhaqaalaha ku baxay ay iska kaashadeen hay’adda UNDP iyo Golaha Wakiillada.
Amnigu waa hal-bowlaha jiritaanka qaranimadeena sidaas darteed inagoo kaashaneyna shacabkeena waa in aan lanimaadno qorshayaal wax ku ool ah oo lagu difaacayo dalka lagagana safaynayo cadow kasta oo jira, waxan ammaan u soo jeedinayaa hay’adaha amnniga iyo nabadgelyada shaqada adag oo ay dalka u hayaan waxana ku boorinayaa iney sii laba jibaaraan gudashada xilkaas culus.

Golaha Wakiilladuna wuxu diyaar u yahay inuu kaalintiisa Dastuuriga ah ka qaato xaalad kasta oo ku aadan difaaca dalka iyo dadka Puntland, waxana dadweynaha Puntland ugu baaqayaa iney ka qayb qaataan difaaca,jiritaanka iyo midnimada Puntland lana shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Dawladda Puntland way ku kalsoon tahay Ciidankeeda, Shacabkeeda iyo Dawladniimadeeda wayna ka guulaysatey waana ka guulaysan doontaa cadowgeeda Insha Allah. Puntland waxay muddoba hiigsaneysey ineynu dalka gaadhsiino kana hirgelino nidaamka xisbiyada badan, arrintaas oo dadaal badan la’geshey waqti badana lagu bixiyey waxaa loo baahan yahay in dadweynaha Puntland ku dhiiradaan furashada ururada siyaasadda, anaguna aan fududayno wixii caqabado ah ee Baarlamaanka doorkiisa ah. waxaan ka codsaneynaa beesha Caalamka iney naga taageeraan arrimaha geedi socodka dimoqraadiyadda oo aanay gacmaha ka laaban.

ILLAAHAY ayaa mahad leh inaga saaray abaartii adkeyd ee dalka soo martay, waxana mahad Eebe ka sokow halkan uga mahad celinayaa iskaashigii iyo isku tashigii shacabka iyo dawladda Puntland, guddigii abaaraha, hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba oo dhammaantood ku hawlanaa taakulaynta shacabkeena.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ayax teg Eelna reeb, abaartii way baxday hase yeeshee waxajirta saamayn weyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo caafimaadka ah oo ay abaartu reebtay loona baahan yahay in wax laga qabto. si aynu u yarayno saamaynta abaaruhu reebaan waxa lagamamaarmaan ah inaan ilaashano deegaanka lana ilaaliyo quwada lagu xakamaynayo dadka ku hawlan xaalufinta deegaanka.

Mudane Madaxweyne, Mudanayaal

Axdi qarameedkii lagu asaasay Puntland 1998-dii iyo Dastuurka hadda jiraba waxa ku cad in Puntland hormuud ka tahay hirgelinta iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, sidaas awgeed Puntland waxay markasta diyaar u tahay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Federaalka si taas loo helona waxa loo baahanyahay:-

In uu dastuurkeenu ahaado mid dhamaystirkiisa laga wada qayb-qaato laguna wada heshiiyey, isla markaasna la waafajiyo Dastuurada Maamulada qaybta ka ah Dawladda
Inla sameeyo xeerka nidaamka Federaalka, kaas oo aanu marar badan soo jeediney, caqabadaha hortaagana anaan weli garan.
In xeerarka loosamaynaayo dalka meel marinta kahor lagala tashto hay’addaha uu khuseeyo ee Puntland, si loo ogaado saamaynta uu ku yeelan karo dalka la isuna waafajiyo xeerarka Puntland ku dhaqanto.
Waxaa lagama maarmaan ah in Puntland qaybteeda ka hesho dhaqaalaha dalka, deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya, deeqaha waxbarashada, dhismaha iyo tababarada ciidamada, iwm.

Geba-gebadii, Puntland waxay halka aan maanta joogno ku soogaartey iskaashiiyo wada tashi, sidaas darteed waxan kula dardaarmayaa dhammaan shacabka iyo Dawladda Puntland ilaalinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga Puntland. Mudane madaxweyne,waxan kugu soo dhoweynayaa furitamkii dastuuriga ahaa ee kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wakiillada’’.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online