Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka kala qayb galay shacabka Caasimada Puntland Salaada Ciidul fidriga.[Masawiro]

June 25, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

”Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyay nayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyay nayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladd iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

”Waxaan rabnaa marka inaanu amnigayaga sii xejisano, inaanu sii badhi taarno, inaanu sii adkaysano” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya inay jiraan cadaw u soo tafa xaytey khalkhal gelinta amniga Puntland, isla markaana ay loolan ugu jiraan sidii ay u carqaladayn lahaayeen xasiloonida dawladda Puntland.

” sidaad ka war-haysaanba cadawgeeni wuxuu loolan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, sababtoo ah baadil iyo xaqdaro ayay ku socdaan anana xaq ayaan ku taaganahay, Puntland cidna ma gardaraysato cidnana ma daandaansato, cidwalba oo wanaag iyo amni soo bidana waa ay soo dhoweysaa ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo dhankiisa hanbayada ciida u diray ummada Soomaliyeed iyo shacabka reer Puntland ayaa sheegay in Puntland tahay meesha keliya ee maanta horumar lataaban karo ka socdo, taasi oo uu u sababeeyey amniga buuxa ee ka jira Punaland inay ku gaadhey, waxaana uu sidoo kale ugu baaqayn shacabka Puntland inay Soo dhoweeyaan ummada Soomaliyeed ee ku soo hayaamaysa dhulkooda, isla markaana la tuso niyad sami iyo Soomaalinimo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa dhankiisa ku booriyey ummada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, inay isu tanaasulaan iyo inay heshiiyaan, waxaana uu shacabka reer Puntland ku booriyey inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida ay hibada gaar ka ah u leeyihiin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland ka go’antahay inay derikooda nabad kula nooladaan, isla markaana ay markasta danaynayaan Soomaliya oo Mida, Soomaaliya oo is raacday.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online