Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku Qaabilay Qunsulka Dalka Hindiya ee Soomaaliya.[Masawiro]

June 2, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 June 2017 xafiiskiisa kuqaabilay wefti ka socdey safaarada Hindiya ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami. Weftigani oo Garoowe soo gaadhay maalinimadii shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay isla maata gelinkii hore kulan kula qateen Madaxtooyada Garoowe wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulanka Madaxweynaha iyo qulsulka Dalka Hindiya ee Soomaaliya ayaa waxa ay kagga wadda hadleen arrimo laxidhidha Waxbarashadda, Cafimaadka, Kaluumaysiga, Ganacsiga, iyo xidhiidhka Puntland iyo dalka Hidiya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey weftigani Puntland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey xidhiidh soo jireenka ah ee Puntland iyo dalka Hindiya kaas oo ay iska kaashan jireen arrimaha Ganacsiga iyo Waxbarasha, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in laga warhayo xadhiidhkaasi soo jireenka ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dawladda Puntland dhankeeda diyaar u tahay xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee  Puntland iyo dalka Hindiya ka dhexeeya, waxaana uu xaqiijiyey in dawladda Puntland diyaar u tahay kawadda shaqaynta wax kasta oo ay  ku jiro masiirka shacabka Puntland iyo kan Hindiya.

Dhinnaca kale Qunsulka dalka Hindiya ee Soomaaliya  Mr Rajesh Swami ayaa dhankiisa sheegay ay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, isla mar’ahaantaana ay xooga saaridoonaan kuna fara adaygi doonaan sii jiritaanka iska garabsiga arrimaha Ganacsiga, Waxbarashada, Kaluumaysiga  iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan kobcinta iyo sare u qaadida arrimaha Bulshada sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarasha, Caafimaadka iyo Biyaha.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online