Madaxweynaha Puntland oo ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed oo Ka dhan ah ururka Al-shabaab.[Dhagayso]

June 9, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09 June 2017 shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen argagixisada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Hayland , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen burcad dimeedkaasi Al-shabaab.

‘’ Sidaad lasocotaan waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 08 June 2017 ay burcad dimeedka Al-shabaab kusoo qadeen weerar gaadmo ah tuulada Af-urur iyo xerada Daraawiishta ee Puntland, waxay weerareen dad muslimiin ah, cibaadaysanaya oo ku jira bil Ramadaan, waxaan bogaadinayaa oo amaan u soo jeedinayaa ciidamada Puntland ee sida geesinimada leh dadkooda iyo dalkooda u difaacay, kuna shahiidey weerarkaas wuxuush nimada ah ee ay soo qaadeen wax matarayaasha Al-shabaab’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada difaacayey dadkooda iyo dalkooda iyo saldhigooda ciidanba, sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa ee ay ku xasuuqeen tuulada Af-urur sharwada yaashu’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda ugus ee Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaas oo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha Al-shabaab.

‘’Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kastoo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dawladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filan yihiin, waana ku filaan jireen inay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhul kayaga aanu ka sifayno Al-shabaab, daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacab kayaga’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu magcaabay guddi wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaadhey dagaal kaasi.
‘’waxaan shalay magcaabay guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday kana qayb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii wax yeeladu kasoo gaadhtey dhacdadaasi foosha xun’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah.

‘’waxaan ugu baaqayaa Dawladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay nagu tageeraan dedaalka adage e aan kula jirno ladagaalanka sharwadayaasha usoo tafa-xaytey inay gumaadaan shacabiga Soomaaliyed’’ ayii yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku qabtay Garoowe

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/06/Codka-Madaxweynaha1.mp3]

Halkan ka Dhagayso Mp3

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online