Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Soo dhoweeyey Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS.[Masawiro]

June 13, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 June 2017 qasriga madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil, waxaana ay isugu jireen wedtigani masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

kadib kulan gaara oo ay wadda qateen madaxweynaha iyo waftigaasi ayaa waxay ay Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh JIbriil iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dawladda Puntland Cali Ciise Oogle ka hadleen muhiimada uu daraanaa socdaalka ay weftigani kusoo gadheen Puntland gaar ahaan caasimada Garoowe,

Wasiirka Wasaaradda Dasruurka Puntland Cali Ciise Oogle aayaa ugu horayn ka warbixiyey muhimada ay u yimadeen weftigani Puntland, waxaana uu sheegay Wasiirku in weftigu ay u socdeen arrimo la xidhiidha dib u eegista dastuurka Soomaaliya,  kaasi oo ay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ku hawlan tahay dib u habayntiisa.

” waxaa sharafweyn noo ah inaan maanta ku soo dhoweyno Garoowe wefti aad u culus runtii oo nooga yimi dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka DFS, booqashadani runtii waxay daba socotey shirweyn oo hadda ka hor ka dhacay muqdisho si uu wasiirku usoo arko dawladd goboleedyadii oo dhan, nasiib waxaan u helnay Puntland inuu yimaado isaga iyo weftigiisa si loogu kuur galo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo ah hawlweyn oo sugaysa Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil  ayaa sheegay dhankiisa in ka wasaarad ahaan ay muhiimad gaara u leedahay imaanshaha Puntland, madaama Punatland ay tahay hooyadda Maamul goboleedyada dalka, isla markaana ay wax badan ku kordhin karto kana saarikarto dastuurka DFS.

”Waxaan dooranay runtii inaan kusoo hormarno Puntland, sababtuna waxa weeye waa calaamadii fadaraalka waana curadkii Maamul goboleedyada Dalka, waana meeeshii lagu qaban jirey shirarka Dastuurka saas awgeed waxaa sharaf noo noqotay inaan nimadno Puntland gaar ahaan Garoowe” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn kula dardaarmay masuuliyiintani inay masuuliyad gaara iska saaraan dardar gelinta shaqooyinka adag ee horyaala,  isla mar’ahaantaana ay arrimaha dib u eegista dastuurka ku qabyo tiraan sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online