Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah.[Masawiro]

June 24, 2017 - Written by Editor

KAMPALA, 23ka Juun 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa caawa kulan ku yeeshay magaalada Kampala. Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online