Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

June 8, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagaixisada ah e Al shabaab ay ku qaadeen xarun ay ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha isaga oo tacsi u diraya qoysaskii iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen shacabkii iyo Mujaahidiintii ku geeriyooday weerarkan argagixisada ah ayuu sheegay in ay yihiin shuhado dhiiggooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta

“Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.”

“Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay taageero dhinac walba ah la garab istaagayso Puntland.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online