Ra’iisal Wasaare Kheyre “Dagaalka Hiiraan waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa

June 15, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si dag-dag ah oo shuruud la,aan ah u joojiyaan dagaalka.

 “ Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in weli qeybo kamid ah dalkeena ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo dadku u taagan yihiin cibaadada ALLE. ayuu yiri R-Wasaare Kheyre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha Dawladda uu yahay in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, wuxuna baaq u diray maamulka Hirshabelle, Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.” Ayuu raaciyey R.W Xasan Kheyre.

 —–DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online