Ra’iisul wasaaraha oo xalay kormeer ku tagey qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho[Masawiro]

June 18, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda ayaa xalay kormeer ay u kuurgalayeen qaabka ay xiliyada habeenkii ah u shaqeeyaan ciidammada xasillinta Caasimadda ku tagey degmooyin dhowr ah, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishii uu kula kulmay waddooyinkii ay kormeerka ku marayeen.

 Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan degmooyinka; Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Warta nabada, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay ciidammada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu tagey isgoyska tarabuunka isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamadda amniga.

Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay ka salaamayeen dusha wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada F.S. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay ku ciyaaraan banaanka xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay in tani ay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online