Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa guddoomiyey shir heer sare ah oo looga hadlayey Arrimaha Gargaarka.[Masawiro]

June 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada JFS Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta guddoomiyey Shir heer sare ah. Wafdi heer sare ah oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Africa, Ururka Caalamka Islaamka (OIC), xubno ka kala socday wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar ayaa soo gaaray Muqdisho iyagoo u kuurgalaya xaalada Geeska Afrika ee Abaaraha.

Dhanka Dawlada Federaalka waxaa kulankan muhiimka ah uga qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, La taliyeyaal ka kala socday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal kooban u jeediyey wafdigan caalamiga ah ee soo gaaray dalka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida beesha caalamku ugu soo gurmaday Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in weli loo baahanyahay gurmad deg-deg ah iyo in mashaariic horumarineed laga fuliyo dalka si loo baajiyo abaaraha soo noqnoqday, isla markaasna shacabka loogu abuuro shaqooyin ay howlahooda ku maareystaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Dawladu ay mudnaan gaar ah siisey arrimaha Garagaarka oo Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka la sameeyey oo dadaal weyn ku bixisey xiriirka iyo iskudubaridka arrimaha gargaarka. Sidoo kale RW ku xigeenka ayaa sheegay in Guddiga Qaranka ee Abaaraha uu dadaal fara badan ku bixiyey in shacabku is gargaaro isla markaasna ku guuleystay in lacag ka badan 6 milyan oo dollar ay shacabka Soomaaliyeed iska soo ururiyeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa wafidga heerka caalami ah ee soo gaaray Muqdisho ugu baaqay inay booqdaan xerooyinka barakacayaasha ah isla markaasna u rajeeyey inay waqtigooda ay joogaan Soomaaliya ay si wanaagsan uga xog wareystaan Wasaaradaha Gargaarka iyo Qorsheynta si mashaariicda horumarineed ay u noqdaan kuwo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Wafdiga heerka sare ee ka kala scoday QM, Midowga Afrika, Ururka Caalamka Islaamka, wadamada Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo hay’adaha gargaarka ayaa ku ammaanay Dowlada Federaalka dadaalka ay ku bixisey sidii abaaraha loo yareyn lahaa oo suurtogalisey in laga hortagay in abaarahu noqdaan macluul.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online