Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed”

June 24, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, 24 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Fidri. Mudane Xasan ayaa farriintan hambalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

“Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan CiiddaFidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar.ayuu yiri R.Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin..

Mudane Xasan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay Dawladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka Caasimadda isla markaana ay muujiyaan dulqaad lana shaqeeyaan ciidamadda u taagan sugidda amnigooda. Waxana uu dadkiisa xusuusiyey in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga. Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen kooxaha hubaysan ee baalmarsan qiyamka nabadeed ee diinta Islaamka, waxana uu ku boorriyey inay ka faa’iideystaan waqtiga ka haray cafiska ay Dawladdu u fidisay.

Ciid Mubaarak

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online