Ra’iisul Wasaareaha JFS Xassan Cali Kheyre oo ka warbixiyey Waxqabadka Dawladda ee mudadii ay jirtay Xukuumadda.[Masawiro]

June 4, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mduane Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay jirtay Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay labadii bilood ee ay jirtay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo wax yaabihii u qabsoomay, waxana uu si gaar ah diiradda ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha sare ee Qaranka, kalsoonida Shacabka, Dhaqaalaha, Amniga iyo abaarihii ka dhacay dalka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre waxa ugu horeyn uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay dawladda u hayaan, wuxuna tilmaamay in waajib ay tahay in bisha ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gar-gaarka dadka danyarta ah.

Mudane Xasan Kheyre ayaa soo hadal qaaday sida ay xukuumadiisa uga go’an tahay in caqabadaha jira looga gudbo iskaashi dhex mara guud ahaan hay’adaha dawladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaala waa kuwa ragaaday, dawladda kaliyana wax kama qaban karto, waxaa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanada, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samafalka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, taas oo looga gudbi karo marka la helo midnimo, wadanino, wadashaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda”

Qorshaha Xukuumadda saldhigga u ah mar uu ka hadlayey Ra’iisul Wasaruhu ayuu tilmamay in ay kamid yihiin:-

1)Kow- ka-guul-gaarista xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo la dagaalanka nabad-diidka,

2)Labo, dhisidda iyo meel-marinta cadaalad, garsoor hufan, karti, isla xisaabtan, daah-furnaan iyo ciribtirka Musuq-maasuqa.

3)SADDEX- kobcinta dhaqaalaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka shaqo abuurka, maalgashiga iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha kuwaas oo lagama maarmaan u ah la dagaalanka saboolnimada iyo xasiloonida darada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ayaa yiri:

“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse casharka aan ka baranay abaarta, wuxuu na tusayaa haddii aan isku tashano xukuumad iyo shacabba in aan ka hortagi karno aafooyinka abaaruhu keenaan. Anagoo ka duulayna mowqifka ah in aan isku tashano, waxaa noo suurto-galay: In aan gaarsiino deeqaha gurmadka dalka oo dhan, mudadaas abaartu jirta waxaa la qeybiyey lacag dhan shan million oo dollar oo si hufan u gaaray dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la wiiqay mudo kooban argagixisada, isagoona tilmaamay in la xakameeyey qaraxyadii iyo hubkii lagu sitay caasimadda. “Howlgalkii ugu horeeyey ee la fuliyey waxaa lagu qabtay kooxo dhagar-qabayaal ah iyo hub sharci darro ah oo loo adeegsan jiray gumaadka shacabka, waxaan ku guuleysanay in ciidamo badan xeryahoodii lagu celiyo, waxaan kaloo qaadnay jidgooyooyin sharci darro ah”ayuu yiri R.W Kheyre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mudadaa kooban ee ay jirtay Xukuumaddu uu dalku gaaray horumaro la taaban karo haddii ay tahay dhaqaalaha oo sara-u-kacay iyo hannaanka maaliyadda oo dib loo saxay, isla markaana la dardargeliyey kobcinta iyo maareynta ilaha dakhliga, taas oo dhalisay in uu sara u kaco dhakhliga dawladda, laguna guuleystay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online