Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Genaral Cali Nuur oo la afuray maxaabiista ku xiran Jeelka weyn ee Garoowe. [Masawiro]

June 10, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Genaral Cali Nuur Cumar  ayaa  waxaa Afur u sameeyay Ciidanka Asluubta Iyo  Maxaabiista ku xiran  Jeelka Weyn ee magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland. Kulankaan ayaa ahaa mid Balaaran ee Afurka Gen. Cali Nuur ugu sameeyay maxaabiista Iyo Ciidanka asluubta  ayaa looga gollahaa is dhex galka Ciidanka Asluubta Iyo Maxaabiista  sida uu sheegay Genaral Cali Nur.

Ma ahan maxaabiistu Kuwa ku xiran jeel ka oo kaliya balse waxay Bartaan Shaqooyin Muhiim u ah Nolashooda Mustaqbalka kulanka afurka ka dib ayaa Gen. Cali Nuur Oo Xafiiskiisa Ciidanka Asluubta Garowe ku sugan waxaa uu Waraysi gaar ah ku Siiyay TVGA Somali News.

Maxaabiistu Waxay  Jeelka ku haystaan Dhamaan Adeegyada Qofka Muwaa dinkaa uu xaqa u leeyahay  Sida Waxbarashada /Caafimaadka / Iyo Helitaanka Biyo Nadiif ah waxaana jeelka Gudihiisa  Maxaabiistu ku Qaadataan  Cilmi Diini iyo maadi  Intaba leh  Iyadoo ay u dheer tahay Barashada Farsamada Gacanta Sida Harqaanka / Samaynta Guryaha Jiifka /Qalabka Xafiisyada /Samaynta Albaabada / Barshada Alxanka  /Samaynta Bulukeetiga  iyo Shaqooyin maxbuuska marka uu Xabsiga Ka baxo  uu ku maaraynkaro  Nolashiisa. Waa kuwaan qaybo ka mid ah Maxaabiista Baratay Mudadii ay jeelka ku jireen Xirfado Kala duwan Oo Lahadlay TVGa Somali News.

Taliya Kuxigeenka Xabsiga   Gaanshanle Maxamed Cismaan Jaamac ayaa sheegay In Maxaabiista Iyo Ciidanku ay yihiin mudada ay wada joogaan Saaxiibo. Taliya Kuxigeenka Ciidanka as luubta Puntland Gaanshanle sare  C/laahi Cismaan Liibaan ayaa  u mahad Celiyay Taliyaha Ciidanka Afuradaan qiimaha badan ee kor loogu qaadayo niyada Maxaabiista Iyo Ciidanka asluubta.

Ugu danbayntii waxaa xaflada afurda ah hadalo dardaaran ah kajeedshay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Genarl Cali Nuur isagoo Diiday Magaca Maxaabiisa balse ka door Biday La saxe Iyo Wax Saxe, Waxaana uu fariin u diray Dowlada Puntland gaar ahaan wasaarada caafimaadka In ay Indho dheeraad ah u yeeshaan Caafimaadka Jeelka Maadaama uu jiro Cudurka Shuban Biyoodka.

Nuur Jaamac
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online