Tartanka Qur’aanka ee Gobolka Nugaal oo Lagu dhawaaqay Natiijada Ardaydii Ku guulaysatay Kaalimaha Hore .[Masawiro]

June 5, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Tartankaan oo ah mid sanadwalba Bisha Ramadaan loo qabto ardayda  Qur’aanka ka barata Garowe ayaa maantay lagu soo afmeeray Masjidka Al-Huda ee Magaalda garowe . Ardayda maantay lagu dhawaaqay in ay u tartami doonaan tartanka qur’aanka ee heer Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay  waxaa magaalda Garowe uga socda tartan lagu kala reebayo heer kooda aqooneed  iyo Sida ay u Xifdisan yihiin Qur’aanka.

Ardaydaan ayaa ku kala tartamayay heerarka kala duwan ee qur’aanka waxaana ay ka kala socdeen 18 dugsi waxayna dhamaayeen ilaa 95 arday waxaana ugu dan bayntii soo baxay  Ardaydii Kaalimaha 1aad -2aad-3aad  ka galay 30jus/20jus/10jus Iyo 5jus waxaana dhamaan ardaydaani wajiyadooda ka muuqday farxad iyo raynrayn maadaama la gudoon siiyay abaalmarimo kala duwan oo qaali ah.

Xafladaan oo ahayd mid balaaran islamarkaana ay kasoo qayb galeen Xubno kasocda wasaarada Cadaalada /Wasaarada Wabarashada  / Gudoonka Waxbarashada ee gobolka Nugaal / Madaxda Sare ee Mu’asasada Alminhaaj /Gudigii Tartanka /Culima Awdiin/Odayaal Iyo Waliba Marti sharafkaloo badan. Waxaana Xafladda  laga jeedshay khudbado aad muhiim ugu ah ardayda iyo cid walba oo barata Qur’aanka Kariimkaa.

Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj .

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online