Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Garoowe

June 13, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda. Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Puntland.

Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland Mudane Cali Siciid Oogle, iyo masuuliyiin kale, kadibna waxaa wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Puntland iyaga oo salaan ugu tagay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

AVV. Xoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa isaga oo sheegay in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaraddu ay si rasmi ah ay maanta u biloowday safaro ay ku tegi doonaan dhamaan dawlad goboleedyada dalka ka jiro si ay madaxda iyo shacabka uga la tashtaan Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarisay.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online