Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta.[Masawiro]

June 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan Al jowhari Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la taaban karo inuu ka gaaro howlaha loo igmaday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradahooda caasimadda Muqdisho. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta February 14, 1974 kadib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qaatay.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa xubin muhiim u ah Ururka Jaamacadda Carabta marka laga eego dhinacyo badan oo ay ku jirto waxa loo yaqaan “Geopolitical strategy”.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online