Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga 2aad Ee Golaha Shacabka Oo La Go’aamiyey

June 22, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka. Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana looga hadlay ajandeyaal dhowr ah oo ay ugu horeyso mudeynta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka maadaama ay Mudaneyaasha hada ku maqan yihiin fasaxooda Dastuuriga ah.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ahi ay go’aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka loo mudeeyey in uu noqdo 08-July-2017 waxaana uu ku wargeliyey dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee fasaxa ku maqan iney usoo diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaala Golaha iyo sida ay ukala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online