Ciidamada PSF ee Puntland oo howlgalo ka fuliyey buuraleyda Galgala

July 7, 2017 - Written by Editor

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada PSF ay howlgalo balaaran ka fuliyeen Buuraha Galgala waxaana ay howlgaladaas khasaaro ugu geysteen kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Galgala .

Ciidamada PSF ayaa waxaa ay galeen laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysan jiraeen kuwaas oo ay ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Madarshoon iyo Diindigle .

Saraakiil ka tirsan Ciidanka PSF oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hawlgalkooda ku dileen ilaa 12 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Alshabab ayna la wareegeen agab aad u tiro badan .

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab iyo Daacish ay wadi doonaan ayna isaga filan yihiin wuxuuna ka codsaday shacabka Puntland in ay garab istaagaan ciidanka Amaanka .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online