Ciidamadda PSF oo Sheegay in ay dileen 18 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

July 9, 2017 - Written by Editor

Ciidamadda PSF ee Puntland ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen buuralayda Galgala ay ku dileen 18 ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo ku dhuumaaleysanyey buuraleyda Galgala.

Ciidanka PSF ayaa war qoraala oo ay maanta soo saareen waxay sidoo kale sheegeen in ay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayeen buuraleyda Galgala ay burburiyeen.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen aaggaga Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow ”

” Bartilmaameedka hawlgalkan ciidanka (PSF) ay fuliyeen ayaa ahaa goobo ay ururka argagixisada Al Shabaab kaga sugnaayeen Buuraha Cal Madow, waxayna ciidanka PSF weerarkan ku dileen 18 ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab oo ay ku jireen saraakiil, waxayna maxaabiis ahaan u qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabaab; sidoo kale ciidanku waxay hawlgalkaas ku gubeen kaydadkii labadaas saldhig oo ay yaaleen raashin,hub,rasaas iyo daawooyin ”

Qoraalkan Lagu faafiyay Baraha Intertenka ee Ciidamada Puntland (PSF) ayaa waxaan wili ka hadlin kooxda Al-Shabaab .Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Fashilisay weerar ay ciidanka PSF ku soo qaadeen Al-Shabaab

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online