Dagaalo Khasaaro geystay oo ka socda gobalka Galgaduud (Dhageyso)

July 20, 2017 - Written by Editor

Galgaduud:-Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka sccdo degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud waxaana dagaalka uu u dhexeeyaa dadka deegaanka iyo kooxda Suufiyada ee la baxday Ahlusunna.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan ururka Ahlusuna iyo dadka degaanka waxaana dagaalka uu geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ay sheegayaan in 7 qof ku dhimatay dagaalka dhowr iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacada VOA ayaa dagaalkan ku eedeeyay maamulka Ahlusuna, wuxuuna uu sheegay in ay la dagaalamayaan dadka degaanka oo aan waxba galabsan .

Wasiirka ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in aysan iyaga dagaalka qeyb ka ahayn.

Waxaa socda dadaal ay wadaan waxgaradka gobalka Galgaduud oo lagu joojinayo dagaalka ka socda waxayna ugu baaqeen labada dhinac in la joojiyo colaada xili ay abaaro xun ka jiraan deegaanada Galmudug.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online