Faahfaahin ka soo baxaysa howlgalo ciidanka PSF ay ka wadaan Buuraleyda Galgala (Dhageyso)

July 10, 2017 - Written by Editor

Wararka lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in ciidamada PSF ay weeararo kala duwan ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Calmadow .

Ciidamada PSF iyo kuwa Daraawiishta ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala buuraleyda Galgala iyaga oo diidan in gurmad raashin ama dawo u tago kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanay buuraleyda Galgala.

Wararka soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro gaaray labada dhinac waxaana ciidamada PSF u suurto gashay in ay la wareegaan fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen buuraleyda Galgala.

Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Puntland ay ku qaadeen buuraleyda Galgala gaar ahaan Madarshoon.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in fariisimo badan oo Ciidan ay Al-shabaab kala wareegeen sidoo kalena ay khasaare u geysteen wuxuuna sheegay in howlagalad ay sii socon doonaan.

Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa tilmaamay in Maamulka Puntland ay ka go’an tahay sidii kooxda Al-Shabaab uga saari lahaayeen buuraha Galgala .

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka wuxuuna sheegay in Al-Shabaab dhib ku yihiin Muslimiinta iyo midnimada umada Soomaalyeed.

Hoos ka Dhageyso Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo faahfaahin ka bixiyey howlagalada ciidanka PSF ka wadaan buuraleyda Galgala.(VOA)

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online