Haweenay Kiristan ah oo Kiniisad ka furtay Hargeisa! (Horn Cable TV Daawo)

July 29, 2017 - Written by Editor

Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland waxaa lagu qabtay kulan ay kasoo qeyb galeen tiro Ajaanib ah iyo sidoo kale arday iyo aqoonyahano Soomaali ah waxaana looga hadlay qaabka loo sameyn karo mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.

Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadashay Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeysa magaalada Hargeysa waxayna sheegtay in maamulka Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo ay isticmaali doonaan dadka gaalada ah ee aaminsan Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa.

Mrs Mariane Vecchione ayaa tiri ”Asalkeeygi hore waxaan Somaliland u imid howl mutadawacnimo ah waxayna ahayd dib furista Kaniisada Kaatooliga oo aan dib uga furnay Hargaysa taasoo xirnayd Sodonki sano ee la soo dhaafay” waxayna ku faantay in Sland u ogalatay furida Kaniisada .

Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ku soo badanaya dadka ajaanibta ah kuwaasoo ku imaanaya qaabab kala duwan hayana howlo kala duwan waxaana qaarkood lagu eedeeyey in ay faafiyaan Gaalnimo.

Hoos ka Daawo Mariane Vecchione  oo ka hadleysa Kaniisad laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka S/land.

Wasiirka Arimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulka S/land ayaa ka hadlay Kaniisada laga furay Hargeysa wuxuuna sheegay in si qaldan wax loogu faafiyey baraha Bulshada isaga oo sheegay in ay dib saxaafada ugu faahfaahin doonaan Kaniisada laga furay Hargeysa.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online