Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Kulan Layeeshay Madaxa Hay’adda INSO Soomaaliya Iyo Madaxa Hay’adda UNSOM Puntland.[Masawiro]

July 19, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 Qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO ( international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda Dawladda Puntland mr Haward Bell. Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadani masuul ayaa lagaga wadda hadlayey arrimo la xidhiidha gorfaynta warbixino si khalada ay ugud biyaan hay’addo ka shaqeeya gudaha degaanada dawladda Puntland, kuwaasi oo caadeystey inay xaaladd been abuura ka sheegan amniga iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

Arrinkani ayaa imanaya kadib markii shirkii Golaha Wasiiradda Dawladda Puntlaand 06 July 2017 kasoo sareen go’aan ah inaanay hay’adahaasi kasii shaqayn gudaha Puntland, waxaana ay golaha xukuumada dawladda Puntland isla shirkaasi fariin adag ugu direen hay’adaha ka hawlgala gudaha Puntland inaanay aaminin wararka been abuurka ah ee ay usoo gudbinayaan hay’addaha war xuma tashiilka caadeystey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in aanay marnaba dawladda Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada dawladda Puntland iyo shacabkeeda, isla markaana aan loo ogolaan doonin inay kasii shaqeeyaan gudaha Puntland cidii ku dhaqanta falalka been abuur ka ah iyo kuwa xanbaarsan ajandayaasha gaar ka ah, huwanna siyaasaddo dana gaara leh.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay hay’addaha ka beriga ah arrimahaasi inaanay marna aqbalin, qaadana beentaasi cad ee lagu wax yeelaynayo shaqadooda.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online