Madaxweynaha oo Magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Taakuleynta Ciidamada

July 9, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi maamula sanduuqa taakulaynta ciidamada. 

Sanduuqaan oo ah mid madaxbannaan ayaa waxa uu Madaxwaynuhu u magacaabay Guddoomiye Mudane Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana Guddoomiye K/Xigeen loo magacaabay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka, wada jirka Dowladda iyo Shacabka,”
Madaxwaynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aaddan taakulaynta iyo taageerada Ciidamada qaranka si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

“Difaaca dalka ma ahan masuuliyad u gaar ah Ciidamada oo kaliya. Waa masuuliyadda u taala qof kasta oo Soomaali ah, haddii aad doonaysaan in aad ku noolaataan dal sharaf leh.”
Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay geesiyaasha Ciidamada qaranka ee dadaalka dheer u galay sidii ay uga xorayn lahaayeen Al Shabaab dalka oo idil, isaga oo faray shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan ciidamada sidii loo cirib tiri lahaa kooxdan.


->DHAMMAAD<- 

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online