Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiqweli Maxamed Cali Gaas “Haddii aan cashuurta la bixin dowladnimo ma jireyso”

July 14, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 July 2017 shir Jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyadda magaalada Garoowe kaga hadlay cashuuraha sharciga ah ee waajibtey inay bixiyaan muwaadiniinta reer Puntland, maadaama ay ansixiyeen cashuurtaasi goleyaasha dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in hadii aan cashuurta la bixinin aanay dawladdnimo jiraynin, islamar kaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in aanay aduunka ka jirin dal dawladd-nimadiisu shaqayso, horumar gaadha hadii aan cashuurta la bixinin.

”Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaadha hadii aan shacuur la bixin, aduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ” wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta” taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar majirayo hadii aan cashuurta la bixinin ” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaaladda Boosaaso kasoo korodhay arrin la xidhiidh dad muwaadiniin ah oo cashuuurta sharciga ee martay goloyaasha dawladda Puntland ka hor imanaya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladdu diyaar u tahay inay shacabkeeda u dhibriso, kuwacyi geliso muhiimadda ay cashuurtu u leedahay dalkooda iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka, waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba, sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabkiisa su’aalay, hadii aan cashuurta la bixinin amni majirayaa? hadii aan cashuur la bixinin waxbarasho majiraysaa?, hadii aan cashuur la bixinin caafimaad ma jirayaa?, hadii aan cashuur labixinin horumar majirayaa?, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in qofka muwaadin ka ah ee sharciga ka horyimaadaa uu yahay Danbiile laguna qaadayo denbigiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya horrumarka xukuumadiisu ka hirgelisey Magaaladda boosaaso ayaa waxa uu sheegay.

” Boosaaso oo laga soo sheegay diidmadda cashuurta markii ugu danbeysey ee aan tegey waxaan ka soo dhagax dhigay wadadii 13aad oo magaalada bilicdeeda iyo horumarinteeda ah, intasoo ciidan ah baa joogta oo ka hawl gasha ilaalinta nabad gelyadeeda, international Airport baa laga dhisay, balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedii baa la bilaabayaa, mashruucii ugu weynaa Puntland ee ah biyo gelinta ayaa ka bilaaban doona Boosaaso iyo solar system {Solar Light} kii ayaa isna dhowaan rajaynaynaa inuu ka bilaabmo” ayuu yiri madaxweynuhu

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Dawladda Puntland socdaal dheer gelayso oo ay dalkeeda kaga xoraynayso argagixisadda daacish, iyo Al-shabaab, isla markaana ay usocoto inay dalkeeda horumariso, dalkeeda dib u dhisato taasina y u baahan tahay garab istaag ay shacabku garab istaagaan dawladooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay cashuur siyaan Al-shabaab qaar kamida ganacsatada diidaysa cashuurta sharciga ah ee Dawladda, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in dadka dhaqankaa lihi ay dawladda uga dhigan yihiin Al-shabaab oo kale, isla markaana uu hadaf koodu yahay inay dalka dhaxal kiisa ku wareejiyaan Al-shabaab.

” Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay? micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada .

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo in cashuurtu waa waajibe ay bixiyaan.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online