Madaxweynaha Puntland iyo Wafti uu hogaaminayo oo Ambabaxay Muqdisho

July 4, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 04 July 2017 safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasii sagootiyey halkaasi, madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisu muqdisho uga qayb gelidoonaan shir socondoona muddo laba maalmooda, kaasi oo lagaga hadlaayo arrimo la xidhiidha amaanka dalka iyo siyaasadda.

” Maanta waxaan u dhoofeynaa aniga iyo weftigaygu magaalada Muqdisho oo aan muddo laba cisho ah uga qayb gelidoono shir, shirkaasi ayaa waxaa looga hadli-doonaa arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo siyaasadda dalka, waxaana kasoo qayb gelidoona DFS iyo madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Puntland iyo shaqaalaha Dawladdaba inay ilaashadaan nabada, xasiloonida iyo kala danbaynta ay ku naaloonayaan, waxaana uu Alle ka rajeeyey Madaxweynuhu inuu safarkiisu kusoo dhamaado guul, isla markaana uu soo laabto dalkoo nabada.

–DHAMMAAD–
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online