Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Ee Dawladda Puntland.[Masawiro]

July 13, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay munaasibada daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee dawlada Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay dhismihii ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeenadda Wasaaraddu.

‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh, laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’ ayuu yidhi Madaxweynuhu.

‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacad san yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in aanay jirin, jirina doonin hal wasaarad oo maanta ku jirta guri kiro ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanay jirin Wasaarad aan helin adeegeedda oo dhamays-tiran.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay in wasaaraddani ay tahay tii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, waxaana ay tibaaxday in dhimahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo wax tar u leh haweenka iyo dhalaanka dawladda Puntland.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in hadii lasyku tashto wax walba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu ka gidoomey Hay’adda fulineysey mashruuca dhismaha Wasaaradda Sadex gaadhi oo labo tahay kuwa qashin ka lagu qaado iyo hal xaajiyad oo Wasaaradda Arrimaha gudaha lagu wareejiyey.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online