Madaxweyne Farmaajo oo Furay Kalfadhigga Baarlamanka JFS (Dhageyso)

July 8, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 2-aad ee baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Munaasabadan ayaa ka sokow xildhibanda labada aqal ee baarlamaanka waxaa goob joog u ahaa madaxda maamul goboleedyada federaalka ah.

Faahfaahinta warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online