Nadwadii ka socotay Magaalada Carmo oo la soo gabagabeeyey (Baaq+Masawiro)

July 19, 2017 - Written by Editor

Waxaa magaalada Carmo lagu soo afmeeray nadwo cilmiyeed ku saabsanayd midnimada ummada, nadwadaas oo ay soo qabanqaabisey mu’asasada Al minhaaj ee dacwada iyo horumarinta faraca gobolka ayaa socotay bari mudo gaaraysa 5 bari.
Nadwadaan oo ah tii 11aad ee lagu qabto xiliga xagaaga ah degmada carmo ayaa waxaa kamid ahaa ujeedoojinka looga gol-lahaa ku wacyi galin bulshada ahmiyada ay leedahay midnimada ummada, kadigida qoqobka iyo qabyaalada,boorinta iskaashiga bulshada dhexdeeda iyo tilmaamida kaalinta ay leedahay akhlaaqda wanaagsan .

Nadwa cilmiyeekaan oo ay ka qayb galayleen inta badan culimada ugu caasan soomaaliya ee kusugan deegaanada puntland. Ayaa waxay ka kakoobnay muxaadiraad habeenkii ah, fataawi,tababaro dhalinyarta ah iyo macalimiinta ah ,muxaadirooyin dumarka ah,kutub cilmi ah oo la-akhriyey iyo safaro dacwo oo lagutgay tuulooyin iyo magaaloyinka hoosyimaada degmada Carmo.

Nadwadan ayaa waxaa kaqayb qaatay culimo waaweyn oo ay kamid ahaayeen:
1. sheikh daahir awcabdi
2. sheikh Axmed Daahir xassan ,
3. sheikh Maxamed Macalin Axmed ,
4. sheikh xasan Maxamed muuse(bookh)
5. sheikh c/raxmaan Maxamed (bukhaari)
6. sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji.
7. Sheikh cusmaan maxamuud dirir
Munaasabadii gabagabada nadwada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa culimadii nadwada waday , maamulka Mu’asasada Alminhaaj heer puntland iyo heer gobolka ,maamulka degmada carmo , qaybo kamid ah madaxda dhaqanka iyo bulsho badan oo masjidka soo xaadirtay.
Gabagabadii Nadwada ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan qodobo dhowr ah ka kooban . Sikastabada ha ahaatee nadwadan ayaa waxay kusoo dhamaatay jawi aad uwanaagsan.

Xafiiska warbaahinta ee Mu’asasada ALminhaaj Bari.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online