Puntland oo gacanta ku dhigtay 14 qof oo Al-Shabaab looga Shakisan Yahay [Masawiro]

July 11, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Ciidamada ammaanka Puntland gaar ahaan ciidanka PSF ayaa gacanta ku dhigay 14 qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab kuwaas oo ku sii jeeday Buuraha gobolka Bari ee Calmadow.

14 qof waxaa lagu qabtay duleedka magaalada Garowe, gaar ahaan halka lagu magacaabo Cuun, waxayna wateen baabuur iyo saanad kale waxaana soo sheegay shacabka ku dhaqan Cuun kuwaas fashiliyey ujeedada ay u socdeen kooxdaas.

Qoraal lagu baahiyey barta ciidamada PSF-ta Puntland ku leeyihiin aaladaha bulshadu ku xariirto, ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay oo kala ahaa 12 rag ah iyo Labo Dumar ah ay ka yimaadeen Koonfurta dalka Somalia kuna socdeen Buuraha Galgala .

“Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan 14 Alshabab ah oo u socda Buuraha calmadow ayagoo marayey duleedka magalada Caasumada ee garowe. Waxaa mahad iska leh Allah oo noo suura geliyey qabashadoodii way mahadsanyihiin dhamaan laahaama kale ee amniga oo nala shaqeeyey. Shacabkeena sharafta badan ee reer Puntland iyo soomaaliya waxaanu ku dhiiragelinaynaa inay sidaas iyo si la mid ah ciidanka ula shaqeeyaan, ” Ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada PSF.

Xubnaha la qabtay ayaa la xusay inaysan adeegsanayeen  Jidadka mara miyiga oo qardo jeex ah taas oo ka shaki galisay dadweynaha degan miiga Nugaal kuwaas oo intay is abaabuleen war galiyey ciidanma amaanka ee gobalka Nugaal iyo ciidanka PSF -ta.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Awmaxamuud (Xinjira dhuuq), oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey qabashada 14 qof ee looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab .

Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa ku jira heegan buuxa ka dib markii dhowr mar la qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo wata qaraxyo kuwaas oo doonayey in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.

Ilaa hada ma jiraan cid ka tirsan 14 qof ee la qabtay ama ehelkooda oo ka hadlay eedeynta loo soo jeediyey oo ah in ay ku socdeen buuraha Galgala si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online