Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo Wafdigii la socday oo qado sharaf loogu sameeyey duleedka Kismaayo.[Masawiro]

July 14, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iso wafdiga la socda ayaa qadada kadib, halkaas ku maalay geel, waxana ay tani kamid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online