Ra’iisul Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.[Masawiro]

July 5, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo qeyb galay shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.  Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo la’aantu hayso, Sidoo kale waxaa shirka warbixin ku aadan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa midowga afrika looga dhegeystay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Waxana intii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugnaa Addis Ababa uu la kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina oo kala hadlay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysado loo abuuro fursado shaqo. Isla markaana ay ka faaiideystaan barnaamijyada horumarinta ee Bangigu sameeyo, sida barmaaijka ‘Enable Youth’ oo ka shaqeeya 8-wadan oo kamid ah qaaradda Africa, wuxuna soo dhaweeyey Madaxweynaha Bangiga horumarinta Africa sida wanaagsan ee isla xisaabtanku ku jiro ee ay u shaqeyso dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxay kulamo la qaateen madaxdii Shirka ka soo qeyb gashay, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhamaantood ay isla soo qaadeen fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey . Waxana iyadoo la fulinayo qodobadaas ay dawladda Itoobiya kusoo wareejineysaa dawladda Soomaaliya 120 maxaabiis Soomaali ah oo waddankaas ugu xiran dambiyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay waxana ay dhammaatood ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya, iyadoo dalalka qaar ay isla soo qaadeen maxaabiis ku xiran dalalkooda sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya.

—– DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online