Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kalana hadlay arimo muhiim ah.[Masawiro]

July 17, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka waraystay madaxda wasaaradda waxyaaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqada wadeen iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah si loo helo madax ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullahi Weheliye ayaa sheegay inay ku mushquul sanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo. Wuxuuna cadeeyay inay bilaabayaan Goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya si loo helo bulsho u diyaarsan in loo qabto doorashooyin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo hanaan doorasho ayaa yiri “Waa in la sameeyaa dood ku salaysan Khibrad,aqoon iyo caqli si qof walba oo Soomaaliyeed looga faa’idaysto aqoontiisa iyo aragtidiisa.

“Waxaana lagama maarmaan ah in dowadladdu ay soo dhawaysato shacabkeeda si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo inay ka aragti dhiibtaan sida loo qabanayo doorashooyinka” ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Waxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay ukala hormariyaan shaqooinka sida ay ukala muhiimsan yihiin

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online