Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka Furmay magaalada Muqdisho

July 5, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada. Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay ka dib furitaanka shirka ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.

Waxaa ka qayb galaya shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online