Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh ayaa gaaray magaalada Cadaado.[Masawiro]

July 13, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha cadaado Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga, Xildhibaanada, iyo saraakiisha ciidanka ee dawlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ugu horeyn booqday Madaxtooyada Galmudug iyaga oo la kulmay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Sheekh Axmed (Sheekhul Balad). AVV Xoosh ayaa uga warbixiyay Ku-simaha Madaxweynaha hawsha ay u yimaadeen Galmudug, isaga oo uga mahadceliyay dadka iyo masuuliyiinta Galmudug sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga.

“Aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa sida diiran ee aad noo soo dhaweeyseen, Cadaado waxa aan u nimid in dadka iyo madaxda Galmudug aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarineyso si Geedi-socodka dib-u-eegista uu u noqdo mid lagu galo qorshe cad oo la isku raacsanyahay” ayuu yiri Wasiirka Cabdi Xoosh oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada Galmudug. Wafdiga ayaa maalmaha soo socda kulamo wadatashi ah la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda Galmudug.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online