Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Madaxweyne Shariif Xasan

July 12, 2017 - Written by Editor

Baydhabo:-Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyaga oo uga warbixiyay hawlgalka ay u joogaan Baydhabo. AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn uga mahadceliyay Madaxweynaha sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Baydhabo kadibna warbixin ka siiyay hawsha ay u imaadeen Koonfur Galbeed.

“Aad ayaan Mudane Madaxweyne kaaga mahadcelinayaa sida aad noogu soo dhaweeyseen Baydhabo, hawsha aan u nimid waxa ay ahayd in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegsita Dastuurka; runtii aad ayaan ugu qanacnay talooyinkii wanaagsanaa ee ay na la wadaageen bulshadii iyo madaxdii kale ee aan la kulannay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyay hawsha ay Wasaaradda wado isaga oo u ballanqaaday in maamulkiisu ay ka shaqeyn doonaan sidii Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegsita Dastuurka uu guul ugu soo dhamaan lahaa. Ugu dambeyn, safar howleedkii Wafdiga Wasiir Cabdi Xoosh ee Baydhabo ayaa guul ku soo dhamaaday, iyaga oo maalmaha soo socda u safri doona caasimadaha kale ee dawlad goboleedyada.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online