Wasiir Xoosh oo la kulmay Safiiradda Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya

July 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr. Wasiirka iyo Safiiradda ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

“Midowga Yurub waxa ay door wayn ka soo qaateen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhismaha dawladnimada iyo xoojinta amniga, waanan uga mahadcelinaynaa sida ay noo garab istaageen waqtiyadii adkaa ee ina soo maray, dhinaca kale waxa aan idinka codsaneynaa in aad nagu garab istaagtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaantan dalka ka bilaabmaya” ayuu yiri Wasiirka.

Safiiradda ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo. Safiiradda waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiiradda sida ay uga go’antahay in ay Wasaaradda taageerto iyo guud ahaanba hay’adaha dawladda.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online