Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee France.[Masawiro]

July 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, July 25, 2017 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda France u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Antoine Sivan.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiiru dowluhu la yeeshay kulan gaar ah Danjire Antoine Sivan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo arrimaha ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo France uu si rasmi ah u bilowday waqti yar kadib gobonnimada 1960. Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya France xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi iyo dano wadaag.

Munaasabadan kooban ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha joogtada KMG ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Cali Maxamed Cali, Agaasimayaasha Waaxyaha habmaamuuska, Yurub iyo Ameerika.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online