Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo Kalsoonida Kala Noqdey Xukuumada Puntland

July 18, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-War hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ayaa sheegay in kalafadhigii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ay rideen Golihii wasiirada ee Madax weyne dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu magacaabay. Kalafadhigii Golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 57 Xildhibaan waxaana mooshinka diyaariyey 20 Xildhibaan waxaan ay xukuumada ku eedeeyeen waxqabad la’aan, amniga oo ay wax ka qaban waayeen, sicir barar, iyo mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka oo aan si joogta ah loo bixin.

Dood ay yeesheen ka dib Golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa la geliyey cod in kalsoonida la gala noqdo Golaha xukumada Puntland waxaan 47 Xildhibaan ay u codeeyeeyn in la rido xukuumada halka 5 Xildhibaan ay taageereen xukuumada, 1 Xildhibaana uu ka aamusay.

Ugu danbayntii ayaa Gudoomiye Axmed Cali Xaashi oo furay kulanka ka codsaday xildhibaanada inay si degan ay uga doodaan mooshinka laga keenay xukuumada Puntland ka dibna ay si wanaagsan oo cad ay kalsoonida ugu qaadaan xukuumadda, gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaqay natiijada waxaan uu xusay in Xildhibaano gaaray 47 ay codka kalsooniada ay kala laabteen xukuumada Puntland 9 ay ka aamuseen halka hal Xildhibaan uu diiday

Golaha wakiilada Puntland ayaa markii ugu horaysay ilaa intii la dhisay Puntland waxaa ay kalsoonida kala laabteen Xukuumada Puntland waxaan la dhowrayaa in Madaxweynaha Puntland uu aqbalo go’aanka Baarlamaanka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online