Bayaan ka soo baxay Kalfidhigii 16aad ee Golaha Jamciyada Islaamka ee Waqooyiga Mareykanka (Masawiro)

August 3, 2017 - Written by Editor

Waxaa Allah mahaddiis ah in kalfadhigii 16-aad oo lagu qabtay  Abubakar As-Saddique Islamic center ee magaalada Minneapolis gobolka Minnesota, muddadii u dhexeysay: 28/7/2017 – 31/7/2017, uu kusoo gabagaboobay guul iyo wanaag.

Kulanka waxaa iskugu yimid culimada, iyo hogaamiyayaasha maraakista ku bahoobey golahaan oo tiradoodo tahay (28 Masjid/Markas) oo ka kala yimid gobolada waddanka Maraykanka.

Goluhu wuxuu warbixinno ka dhagaystay madaxdii iyo imaamyadii matalayey maraakista kala duwan iyo warbixinnadii waxqabashada oo ay soo jeediyeen golaha shuurada iyo madaxa fulinta ee Jimciyadda Islamic Association of North America (IANA).

Intaas ka kadib goluhu wuxuu dhexgalay qodobbadii u yaalley ee dacwada, iyo horumarinta, iyo habsami u scodka maraakista.

Qodobbada aadka xoogga loo saaray waxaa ka mid ahaa:

  1. Horumarinta dacwada oo ka kooban
  2. Dacwada Dhalliyarada oo aad oo lafa guray go’aammo dhaqan gal ahna laga soo saaray
  3. Dacwada dumarka oo la muujiyay aadna loo adkeeyay inay tahay mid muhiim ah dayyac bandanna uu ka jiro.
  4. Dacwada masaajidda, iyo dadwaynaha guud ahaan oo la tilmaamay inay muhiim tahay in dadka aan masaajidda imaanin la gaaro oo dacwada lugu gaarsiiyo wadiiqo walba oo sharci ah oo suurto gal ah.
  5. waxbarashada islamiga ah ee maraakista oo ka kooban
  6. Dugsiyada
  7. Macaahidda iyo
  8. Jaamadaha.

Waxaa aad loo adkeeyey muhimmadda ay leedahay isku xirka heerarka waxbarashada kala duwan ee kasoo billaabato dugsiga ilaa jaamacadda. Sidaas darteed, goluhu wuxuu baraarujiyay in ladiyaariyo manhaj waxbarasho iyo waxbarasho oo heerarka kala duwan ah oo ka dhexeeya golaha maraakista AINA. Sidoo kale waxaa aad loo tibaaxay xoojinta tababaridda, iyo tayanta macallimiinta, maamullada iyo imaamyada maraakista.

  1. Dhallinyarada

Waxaa aad loo adkeeyay muhimmadu ay dhallinyaradu u leeyihiin jiritaanka, iyo horumarka mujtamaca Muslimka ah ee soomaaliyeed. Waxaa la isla meel dhigay in:

  1. La diyaariyo barnaamij dacwo iyo waxbarasho oo ayaga u gooni ah
  2. In loo sacyiyo sidii lugu soo saari lahaa jiil dhallinyara ah oo tayyo leh oo qaata dawrkooda mustaqbal ee Diin iyi aduunyaba
  3. In lasoo saaro si gaar ah hoggaamiyayaal, imaamyo, ducaaw, macallimiint, iyo maamulayaan ummadda ka anfaca sidii looga gudbi lahaa caqadaha jira loona gaari lahaa himilooyinka la tiigsanayo.
  4. In si gooni ah xil la iskaga saaro sidii loo soo celin lahaa loona toosin lahaa dhallinyarada ka leexatay dawga saxda, looguna samayn lahaa barnaamijyo ku aaddan sidii ay noqon lahaayeen dad naftooda iyo qayrkoodba anfaca
  5. In lugu kaalmeeyo lagalana shaqeeyo inay lahaadaan oo hoggaamiyaan ururro ku dacwo, bulsho, maamul ee ku wajahan da’yarta.
  6. In lugusoo xiro culumada, iyo ducaadda manhajkooda lugu kalsoonyahay si ay uga badbaadaan inxiraafaadka, iyo jahawareerrada manaahijta khaldan.
  1. Qoysaska:

Goluhu wuxuu aad u gorfeeyay muhiimadda uu leeyahay qoyska Muslimka ah oo udub dhexaad u ah jiritaanka iyo horumarka bulshada sidaas darteed waxaa la soo jeediyaya:

  1. In la xoojiyo ishaysiga iyo jiritaanka qoyska iyo horumarkiisa
  2. In la dhiirri galiyo guurka dhismaha qoysaska luguna saleeyo mabaadii’da assaasiga ah ee Islaamka.
  3. In la siiyo qoysaska dawrooyin iyo talooyin ku saabsan xuquuqda iyo dhaqanka wanaagsan ee qosyka iyo tarbiyada caruurta
  4. In sameeyo guddi xalliya khilaafaadka qoysaska
  5. In laga digo, dadka laga wacyi galiyo kala tagga iyo khilaafka qoyska iyo cawaaqib xumada ka dhalanaysa.
  1. Arrinta Islam Nacaybka

Waxaa goluhu ka hadlay arrinta Islam nacaybka oo meela qaar kusoo badatay, waxaana shirka lagu casuumey oo talooyin ka soo jeediyey: Sanduuqa Difaaca Muslimiinta, falanqayn ka dibna wuxuu goluhu go’aansaday:

  • In lala Kaashadu Sanduuqa Difaaca Muslimiinta
  • In hay’adaha difaaca xuquuqda aadanaha, iyo gaar ahaan hay’adaha difaaca muslimiinta sida CAIR iyo MLF.
  • In dadka la wacyi galiyo lana baro xuquuda ay ku leeyihiin waddanka
  • In dadka muslimiinta ay dadyawga kale ee ay dagaanka la wadaagaan ay kula dhaqmaan wanaag, soona bandhigaan saamaxaadda islaamka iyo quruxda akhlaaqda islaamka
  • In haddii uu dhib soo gaaro maraakista ama dadka muslimiinta ah si dag dag loogu gudbiyo hay’adaha nabadgalyada iyo hay’adaha xuquuqda.

Dardaaran:

Goluhu wuxuu kula dardaarmayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan All aka cabsi, toosnaan iyo isku duubnaan.

Goluhu wuxuu dardaarmayaa in ummaddu ay ku xirnaato culumada lugu yaqaanno cilmiga, dhawrsashada, iyo toosnaanta.

Dhinaca kale guluhuu wuxuu ka digayaa afkaarta qalloocan ee lugu buunbuuniyo baraha kulanka bulshada iyo meergaha internet ka, wuxuuna mujtamaca muslimka ah ee soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay iska hubsadaan wararka, iyo macluumaadka marar badan laga soo jeediyo goobahaas.

Goluhu wuxuu ummadda soomaaliyeed kula dardaarmayaa midnimo, walaaltinnimo iyo is jacayl.

Waxaan Allah waydiisanaynaa inuu dambi dhaaf nasiiyo, wax kasta oo khayr adduunyo iyo aakhira ah na waafajiyo.

Wassalaamu Calaykum ww.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online