Galmudug oo War Murtiyeed ka soo saartay dilka Gudoomiyihii gobalka Galgaduud

August 5, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-innaa Lillaahi wa inaa ileyhi Raajicuun, Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug, Madxweyne kuxigeenka Galmudug iyo labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug , waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka dowlad goboleeedka Galmudug oo ay ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee gudoomiyihiin Gobolka Galgaduud marxuum Maxamed dahir Shiikh Cali Cilmi iyo walalkiis marxuum En. Xasan Shiikh Cali Cilmi oo xalay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah ay ku dileen magaalada muqdisho,gaar ahaan xafada Carafaad waxaana dishay gacan ka xaqdaran, runtii geerida ku timid gudoomiyaha iyo walalkiisba waa mid si gaar ah noo taabaneysa.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Dhammaan Dowlad Goboleedka Galmudug   waxay tacsida iyo  tiiraanyo la wadaagayaan ilaahna uga barya yaan qoyskii, eheladii iyo dhammaan dadka reer Galmudug oo ay kabaxeen labada marxuum in ilaah samir iyo iimaan ka siiyo iyagana  raxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa dowlada federaalka ee soomaaliya  in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii gobolka galgaduud iyo walal kiis  isla markaana Cadaalada la horkeeno.

Aamiin, Aamiin, Aamiin

  Xafiiska Madaxweynaha Galmudug

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online