Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland oo la dhaariyey 38 Ka Mid ah (Masawiro)

August 7, 2017 - Written by Editor

Waxaa Maanta gelinkii danbe 07 August 2017 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno oo kamid ah golihii Wasiirada Dawladda Puntland ee maanta Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay.

Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay dhammaan Wasiiradda Cusub, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo igmaday yiihin kuwo u jeedkoodu yahay inay ugu adeegaan shacabka Puntland, isla markaana ay ka dhabeeyaan hiigsiga iyo himiladda Dawladda Puntland geediga ku tahay inay gaadho, isla mar’ahaantaana ay ugu adeegaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kubooriyey Golaha Wasiirada Cusub ee la dhaariyey inay ka fogaadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ku dedaalaan sidii ay uga gun-gaadhi lahaayeen dardargelinta iyo dhamaystirka hawlaha shaqo ee horyaala masuul kasta oo kamid ah Wasiiradaasi, waxaana uu Madaxweynuhu Xasuusiyey golaha in dawladda Puntland ku dhisan tahay u adeegidda shacabkeeda, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in fiira gaar ah loo yeesho rabitaan shacabka Puntland ee jecel horumarka iyo dawladdoodaba.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golaha xasuusiyey in Puntland maanta horumar xilaadle ka socdo, kaasi oo salka ku haya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in uu ku hirgalay horumarkaasi halku dhigii ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’ taasi oo u jeedkeedu ahaa in shacabka iyo Dawladda Puntlandba iska kaashadaan wax kasta oo horumarin ah, caqabad ah, cadaw ah, xasiloonida iyo sugitaanka Amniga Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online