Guddiga Doorashada Kenya : Waan baari doonaa in la jabsaday habka doorashada

August 9, 2017 - Written by Editor

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Waxa uu sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar wax laga weeydiiyey eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka ayaa waxa uu yiri “Waan baari doonaa sheegashaadaasi, balse hadda waxbo kama oran karo”.

Wasiirka amniga oo hadlay

Wasiirka amniga guddaha Fred Matiang’I ayaa sheegey in aysan wali helin wax xog ah oo la xiriirta rabshado ka dhashay doorashada, balse ay xaaladda u kuurgalayaan.

Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in ay xanibaad ku sameeyaan isticmaalka baraha bulshada oo la aaminsanyahay in ay yihiin meelaha laga huriyo rabshadaha.

Wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Kisumu ayaa soo tabiyey in uu arkay boqolaal qof oo muhaadaraad halkaasi ka dhigey, kuwaasi oo ku dhawaaqayay “Raila la’aantiis, nabad ma jirto”, balse markii dambe ay booliiska kala eryeen.

Mar sii horeysey musharaxa isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafada u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada.

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in boqolkiiba 91 Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.6.

Muxuu ka cabanayaa Mr Raila ?

Mucaaradak ayaa natiijada la baahiyay ku tilmaamay been abuur sabtoo ah natiijada ma wehelin foomamka xarumaha codaynta ee loo yaqaano foom 34A iyo 34B.

“Waa khiyaali ,waa been abuur,”ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr Odinga.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

arunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Halkan ka  Akhriso Warkii ay BBC ka Qortay Doorashada dalka Kenya

BBC Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online