Gudoomiyaha cusub ee Al-Minhaaj Gobalka Nugaal oo Xilkii la wareegay [Masawiro]

August 25, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Xafladaan oo ahayd mid uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj faraceeda Gobalka Nugaal aya lagu qabtey Hool ka Macadka Maryama Bintu Cim raan ee Magalada Garowe. Xil-wareejintaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey Madaxda Mu’asasada Al Minhaaj Puntland, Wasaarada Caddaalada Diinta iyo Awqaafta, Aqoon-yahano iyo Haweenka Dacwada Gobalka Nugaal.

Gudoomiyihi hore ee Mu’asasada Al Minhaaj faraceeda Gobalka Nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Farax oo ka war bixiyey wax qabadkiisi mudadi uu joogey Xafiiska ayaa sheegay iney wax badan u qabsoomeen waxna qabyo yihiin, Isagoo Gudoomiyaha cusub ku booriyey inuu sii dhameystiro howlaha dhiman wuxuuna Alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo.

Gudoomiyaha cusub ee Mu’asasada Al-Minhaaj Gobalka Nugaal Sh.Maxamed Siciid Xassan ayaa uga mahad celiyey Sheekh Mukhtaar wax qabadkiisa, Isagoo sheegey inuu dedaalka halkaasi ka si wadi doono, Sheek Maxamed Siciid ayaa ka codsadey bulshada Gobalka Nugaal iney si fican ula shaqeeyaan.

Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ka hadley xaflada xil-wareejinta ayaa sheegey iney Al Minhaaj ahayd abuur wanagsan iyo hindise ka yimid Culumadda, wuxuu intaasi ku darey shaqooyin badan ay qabtey isla markaana waxyaabaha harey laga doonayo Gudoomiyaha cusub oo uu shegey inuu yahay mirihi Al-minhaaj.

Wasiir ku xigeen ka Wasaarada Caddaalada Diinta Iyo Dhaqan celinta Puntland Dr Abdifitaah Xassan Xuseen oo soo xirey xaflada ayaa bogaadiyey Mu’asasada, wuxuna sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono Gudoomiyaha cusub, Isagoo ka codsadey in loo geeyey feelasha wax qabad ee Mu’asasada Al Minhaaj si uu uga war hayo.

Maxamed Fowsi Askar

Al Minhaaj.com

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online