Madaxwaynaha JFS oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Lataliyeyaal Gaar ah

August 3, 2017 - Written by Editor

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada. 

Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:
1. Jen. Cabdulqaadir Cali Diini

2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
3. Prof. Muuse Aadan
4. Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigay )
5. Shukri Maxamed Afrax
6. Sh. Abuukar Bashiir Sh. Cabdullaahi
7. Sh. Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
9. Caasha Abuukar Qaasim
10. Abuukar Sheekh Cismaan
11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
13. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Dhanka kale, Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guuto Axmed Sheekh Maxamed, Lataliyaha Amniga Qaranka, S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Maxamed Cabdirisaaq, La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online