Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Saraakiil ka Socdey Hay’adda UNSOM Soomaaliya.

August 5, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 August 2017 xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in dawladda Puntland hermuud u ahayd dhaqqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in dawladda Puntland ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah  Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay ‘Insha Alla’ mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyiina, ka shaqeeya danaha Diintooda,  dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tamarta yar ee Al-shabaab.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online