Madaxweynaha JFS oo Umada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Ciida Carafo

August 31, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynha waxa uu sii wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Madaxweynaha ayaa yiri: “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

—Dhamaad–

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online