Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo Degmada Xudur iska Dhiibay maxay tahay Sababtu?

August 13, 2017 - Written by Editor

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu isku dhiibay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM oo shalay u soo gurmaday ka dib markii ay kooxda Al-Shabaab weerareen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Halgan.net u Xaqiijisay in Abuu Mansuur Roobow iyo 5 ka mod ah Saraakiisha ay haatan ku sugan yihiin Degmada Xudur halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin Odayaal iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya .

Wadaadka Abu Mansuur ayaa horey u soo noqday ku xigeenka kooxda Al-Shabaab iyo Afhayeenkooda waxaana ay is khilaafeen kooxda Al-Shabaab markii abuu Mansuur uu sii daayey Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ahaa hogaamiye kooxeed ka talinayey gobalka Bay.Al-Shabaab ayaa intaas ka dib ku xukumay Abu Mansuur in uu sii daayey Murtad waxaana loo qoray Tacsiir ah in la jeydalo.

Abu Mansuur Roobow ayaa intaas ka dib ka baxsaday booxda Al-Shabaab isaga oo ciidamo daacad u ah ku heystay deegaanada Bay iyo Bakool .

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar damacaday in ay Khaarajiyaan Abu Mansuur Roobow balse way ku fashilmeen dhamaan dhagarta ay u dhigeen Abu Mansuur ,waxaana xigtay in dowlada Mareykanka ay ka qaaday lacagtii la dul dhigay Mukhtaar Roobow taas oo su,aalo badan dhalisay .

Labadii Isbuuc ee la soo dhaafay ayaa kooxda Al-Shabaab waxay dagaalo kala duwan ku qaaday deegaanka Abal oo xarun u ahayd Abu Mansuur waxaana ay ku fashilmeen in ay dilaan Abu Mansuur oo si adag isaga Difaacay isaga oo gurmad ka helayey dad deegaanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Xudur ayaa sheegaya in Wasiirka G/dhiga ee JFS iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay kulan la leeyihiin Abu Mansuur Roobow iyo Saraakiil daacad u ah ee la socota waxaana la filayaa in uu Abu Mansuur yimaado magaalada Muqdisho halkaas oo uu uga sii gudbi doona dowlada Qadar .

Ma ah markii ugu Horeysay ay Masuul ka tirsan Al-Shabaab uu ka baxo kooxda balse waxaa ka baxay ama ay dileen rag badan oo madax ah oo ka tirsanaa kooxda waxaa laga xusi karaa raga Al-Shabaab is khilaafeen ama ay khaarijiyeen.

1- Ibraahim Jaamac Miicaad ( Ibraahim Afgaani )
2-Macalin Burhaan
3-Sh Xasan Daahir Aweys
4-Sh C/qaadir Muumin
5-Abu Mansuur Roobow
6-Maxamed Saciid Atam
7-C/laahi Maxamed Axmed Carabey
8-Hariye Cali Joogtaan
9-Cali Geeddi Xasan
10-Ibraahin Aadan Ibraahin
11- Sh Xasan Al-Waajidi
12-Xusen Salaad Mukhtaar
13-Sh Claahi Sh Maxamed Dalab
14-Abu Yaasir Al-Muqdishi
15-Abu Ayaan
16-Axmed Garaad Cali
17-Abu Yuusuf Al-Qariib
18-Zakariye Ahmed Ismail
19-Ahmed Claahi Maxamed Faroole

Al-Shabaab ayaa sidoo kale khaarajiyey rag badan oo Muhaajiriin ah oo dalka Soomaaliya u yimid in ay ka Jihaadaan waxaa sidoo kale shirqool lagu dilay rag kale oo badan waxaa ka xusi karnaa raga muhiimka

1-Abu Mansuur Al-Amriki Cumar Xamaami
2-Abu Khadaam Al-Masri
3-Saalax Al-Nabhaan
4-Fasuul Cabdala Maxamed

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ka fakanaya maalin walba dhalinyarada ay askareeyeen waxaana maalin walba maqleysaa rag ka tirsan Al-Shabaab oo  isku dhiibeysa Maamulada dalka iyo DFS.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online